Boob Xoogan oo hada ka socda xarunta Bangiga dhexe iyo goobaha Ganacsiga ee Magaalada Jigjiga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlada degaanka Soomaalida Itoopiya ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaa xafiisyadii Dowlada ay lawareegeen Ciidamo ka socda Milatariga Itoopiya.

Ciidamadaan ayaa sii toos ah  waxa ay ula wareegeen Xarumaha Baarlamaanka Telefishinka ESTV, iyo garoonka diyaaradaha magaalada Jigjigo waxana la arkayey ciidamo wata Gaadiidka Gaashaaman oo hareereeyey Xarumahaasi iyo Xarumo kale oo badan .

Arintaan ayaa waxaa sababtay sida ay sheegayaan wararka qaar in  Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  looga yeeray Magalada Adis Ababa,balsa uu ka biya  diiday amarka ka soo baxay Dowlada dhexe ee Itoopiya .

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya  Magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socoto boob ka dib markii ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ay la wareegeen dhamaan Xarumaha Dowlada sida Radio Gaalkacyo ay u xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidamadii Federaalka ayaa Magaalada ka waddoBoob  xooggan.

Ilaa iyo Hadda meelaha ay Boobka uu  ka socodo ayaa  waxaa ka mid ah   xarunta Bangiga ee dhexe ee Magaalada Jigjiga, waxaa sidoo kale Booska uu  ka socodaa  Goobo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Jigjiga.

Hoos ka Daawo Sawirada

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply