Deg-Deg:-Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo la xiray.

Radio Gaalkacyo:-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Maanta tegay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee Magalada Muqdisho iyagoona  ka soo kaxaystay  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud.

wararka aanu ka helayno gudaha Xarunta Wasaarada arimaha Dibada ayaa   sheegaya in ay Xarunta ay ku tageen Ciidamadu  Warqad  maxkamadeed,iyada oo ka hor inta aysan gelin Xarunta Wasaaradda uu khilaaf soo kala dhex galay ilaalada Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo xiligaas Wasaaradda ku sugnaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa haatan waxaa la geeyey xarunta Hay’adda Dambi-baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho,iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu eedeeyey musuq maasuq.

Dhawaan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxa ay xasbiga dhigeyn Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo mareynta Musiibooyinka,iyada oo xarigiisa la sheegay in uu ahaa mid aan loo marin wadadii saxda aheyd,isla markaana saraakiishii ka dambeysay xarigiisa xabsiga la dhigay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco radiogaalkacyo.so
Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply