Guddiga Dib U Eegista Dasruurta Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Dalka.

Radio Gaalkacyo:-Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka iyo ballaarinta hannaanka federaalaynta Dalka, waxanay iska xog wareysteen waxyaabihii u qabsoomay iyo qodobbada haatan hor yaalla.

Guddiga ayaa soo bandhigay Cilmi Baaris ay ku sameeyeen hab-raaca xudduudaha Dowlad Goboleedyada ,Degmooyinka iyo soohdimaha  Soomaaliya ay la wadaagto wadamada deriska la ah.

Guddomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta, khalliif Cabdikarin Maxamed , ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray habka ugu wanaagsan ee lagu sameyn karo Magacaabista Degmo ama Gobol, taasi oo ku saleysan tira badnaashada Dadka, dhaqaalaha, xudduuda, iyo afti Dadweyne oo la qaado.

Guddoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurta Labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya Senetar; Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa ku amaanay Guddiga shaqada waaangsan ay qabteen, isagoo sheegay in ay soo aqrin doonaan qodobbada baarsita ay ku sameeyeen.

Qorshaha dhameystirka Dasruurka KMG ayaa ah in lagu dhameystiro inta ka harsan Sanadkaan, si Dalka uu u yeesho Dastuur buuxa, si Dalka uu u galo doorasho Qof iyo cod ah 2020-ka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply