Sawirro:-Madaxweynaha Dowlada Puntland oo dhagaxdhigay Dekeda Garacad.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug iyadoona ujeedada safarka Madaxweynaha uu yahay dhagaxdhiga Dekeda Garacad iyo daahfurka wadada Wadaagsin.

Munaasabada dhagaxdhiga waxaa kasoo qeybgalay Isimo,Nabadoono,Waxgarad, labada gole ee Baarlamaanka Puntland masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Raisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa lafilayay inuu deegaanka Garacad safar kuyimaado hase ahaatee safarkiisa ayaa lasheegay inuu baaqday walow aan warbaahinta lala wadaagin sababaha keenay baaqashada Raisal wasaaraha.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply