Madaxweynaha Dowlada Dowlada Puntland oo gaaray Garacad iyo R/wasaarae Kahayre oo ka baaqaday Safarkii Garacad

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen goordhow magaala Xeebeedka degaanka Garacad
Wafdiga maxaweynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa magaalada Garacad ku soo dhaweeyay kumanaan Dad ah oo iskugu jira Masuuliyiin Isimo Shacab Magaalada Garacad u tgaaray soo dhaweynta R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre .

Warar ay heshay Radio Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Xasan Cali khayre uu ku baaqaday Safarkii uu ku gaari lahaa Degaanka Garacad Balsa ilaa iyo hada aan lageen sababta keenta in Xasan Cali khayre oo ka Baaqdo safarkii Degaanka Garacad.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxa uu dhagax dhigi doonaa Dikada Magaala Xeebeedka Garacada iyo Mashaariicyo kale oo laga dhagax dhigi doono Degaanka Garacada .

Wararka aan ka helayno saraakiil Katirsan Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in markii hore qorshuhu ahaa in ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigo, deked cusub oo laga hirgelinayp degaanka Garacad ee gobolka Mudug,balse haatan ay wax iska beddeleen qorshahaasi.

 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply