Qaban-qaabada Soo Dhaweynta Ra’isulwasaaraha Soomaliya oo Garawe laga dareemayo.

Radio Gaalkacyo:-Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa  si weyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ,iyadoo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdi Rai’iisul wasaaraha.

Boorar waa weyn oo lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu arkayaa goobaha muhiimka ah ee  magaalaha Garoowe ,waxaana boorarka ka muuqda hal ku dhigyo lagusoo dhaweynayo Ra’iisul wasaaraha oo ay kamid yihiin “soo dhawow mudane Ra’iisul wasaare,kusoo dhawoow Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa marka ay yimaadaan magaalada Garoowe la filayaa in ay ka qeyb galaan xaflada 1-da August oo ah sanadguurada 20-aad ee aas-aaska Puntland waxaana sida wararku ay sheegayaan intaa kadib xigi doonta safaro uu Ra”isul wasaaruhu ku tagi doono Magaalooyin kala duwan oo ku yaala Puntland.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya uu ku imaan-doono puntland ayaa noqon doonta tii ugu horeysay oo uu ku yimaado deegaanada Puntland tan iyo markii uu noqday Ra’iiusl wasaaraha Jamhuuriyada 23 bishii febraayo 2017 iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu horaantii sanadkan  booqasho taariikhi ah uu isna ku yimid Puntland markaas oo uu uga talaabay deegaanada kale ee Puntland.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply