Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Dalka Eriteria.

Radio Gaalkacyo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee  caasimada dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ujeedka safarka madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

Hoos ka dhageyso Codka.

 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply