Dhageyso:- Dad loo soo qabtay Dilkii Xalay loo gaystay taliyihii hore ee qaybta Gobolka Mudug.

Radio Gaalkacyo:-Alle ha unaxariistee waxaa xalay   kooxo ku hubaysan Bastoolado  oo aan habytooda lagaranayn  kuwaasi oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 6nin ay Gaalkacyo ku dileen taliyihii hore ee qaybta booliska Gobolka mudug Cabdirashiid Xasan Xaashi(Gabi gabi).

kooxahani  ku Hubaynaa bastooladaha ayaa    taliyaha toogtay   xili uu ka soo baxay salaadii cishaha masajidka Dul qarnayn ee xaafada israac ee magaalada Gaalkacyo.

Dilalka taliyaha ayaa markii ugu horaysay waxaa ka hadlay taliska qaybta booliska Gobolka Mudug iyagoona sheegay inay hawlgalo halkaasi ka sameeyeen dilka taliyaha ka dib.

Taliye ku xigeenka qaybta booliska Gobolka Mudug maxamed cali cawaale  oo waraysi siiyey Radio Gaalkacyo ayaa sheegay inay ttaliyaha toogteen ilaa 6nin oo ku hubaysaana Bastoolado ka dibna ay goobta ka baxsadeen.

waxaa kale oo uu sheegay taliye ku xigeenku in Ciidamada  Amaanka oo halkaasi hawlgalo ka sameey ay soo qabteen 3qof oo lagu tuhunsanyahay inay ka danbeeyeen dilka taliyaha isla markaasna uu baaritaan ku socdo

ma ahan marrkii ugu horaysay oo dil noocaan oo kale ah uu ka dhaco gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xaruntta Gobolka Mudug balse horay ayaa Gaalkacyo lagoogu toogay masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply