Masuul ka katirsan Al-Shabaab oo la dilay.

Radio Galkacyo;-Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaana Gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay masuul ka tirsan Ururka AL-Shabaaab.

Ciidamada Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay shegeen in howlgal ay ka fuliyeen Gobalka Baay ay ku dileen Gudoomiyihii Alshabaab ugu magacownaa Deegaan lagu magacaabo U forow,sidaas waxaa warbaahinta u sheeegay Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin yuusuf.

Ciidamada maamulka koonfur galbeed ayaa howgalo ay 24kii saac ee la soo dhaafay ka  wadeen deegaanada hoos taga  maamulka koonfur galbeed waxa ay ku dileen Dagaalyahano ka ttirsan Xarakada Al-Shabaabab halka kuwo kalana ay noolasha ku qabteen.

Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada koonfur Galbeed Soomaaliya  waxa ay sheegeen in ay wadani doonaan Howlgaladaas ay ka bilaabeen deegaanada maamulkaas oo inta badan Al-Shabaab gacanta ku hayaan ilaa iyo inta ay Al-Shabaab ka sifaynayaan gacan ku haynta Deegaanada ay maamulaan.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply