Deg-Deg:-kooxo hubaysan oo caawa gaalkacyo Dil ugu gaystay taliyihii hore ee qaybta booliska Gobolka Mudug .

Radio Gaalkacyo :-Alle ha unaxariistee waxaa caawa goor dhow  kooxo hubaysan oo aan habytooda lagaranayn ay Gaalkacyo ku dileen taliyihii hore ee qaybta booliska Gobolka mudug Cabdirashiid Xasan Xaashi(Gabi gabi).

kooxahani ayaa ku Hubaynaa bastoolado waxayna  taliyaha toogteen  xili uu ka soo baxay salaadii cishaha masajidka Dul qarnayn ee xaafada israac ee magaalada Gaalkacyo.

ma jirto ilaa hada cid ka hadsahy dilka taliyaha balse laamaha amaanka ee gobolka mudug oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baarittaano halkaasi ka wada .

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply