Iran oo ku goodisey in ay Bur burin doonto Quwada mareynkanka haddii uu weeraro dalkooda.

Radio Galkacyo;-Xukuumada Iran ayaa waxa ay ku goodisey in haddii mareynkanku uu isku dayo inuu weeraro Iran ay bur burin doonaan wax ay ku sheegeen Quwada Mareykanka.

Taliyaha ciidammada gaarka ah ee Iiraan Sareeye Gaas Qassem Soleimani ayaa waxa uu ku goodiyey in haddii uu madaxweynaha Mareykan Trum uu isku dayo inuu dagaal bilaabo ay iguna bilaabi donaan ilaa iyo meesha u danbeysa,sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee dalka Iiraan.

Arintaan ayaa timid ka dib markii maalin ka hor madaxweynaha mareykanka Trum uu bartiisa Twitterka soo dhigay Qoraal uu madaxweynaha Iiran Xasan Ruxani uga digayo in uuu mar danbe u hanjabo mareykanka haddii uu isku dayana uu cawaaqib xumo wajahaayo.

Xiisaada u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiran ayaaa sii korartay tan iyo markii Madxweynaha Trum uu ka baxay heshiiskii Iiran lala galay sandii 2015kii.

 

Sidoo kale taliyaha Ciidamada Iiran ayaa Madaxweynaha Mareykanka ku eedeyey inuu adeegsado luuqad aan mico  badan samaynayn oo la mid ah tan laga sheego meelaha turubka iyo Khamrida lagu cabo.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply