Dhageyso;-Wasiirka Caafimaadka Puntland oo eedeyn ujeediyay Bisha Cas.

Gaalkacyo(Radio Galkacyo);-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlada puntland C/naasir Cismaan Koowke oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta kormeer guud ku sameeyay dhismaha cusub ee isbitlka Guud ee Gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa si uu ugu kuurgalo Halka uu marayo dhismaha isbitalka Guud ee Gobalka Mudug waxa uu socdaal ku soo maray qeyaha kala duwan ee isbitaalka iyo dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyey ku waasoo hada maraya meel dhamaad ah.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dwolada puntland C/naasir Cismaan cowke ayaa waxa uu edeen u jeediyay Hay’ad fadhigeeda yahay Dalka Qadar oo lagu magacaabo Bisha Cas Qadar, oo Balan qaaday in ay Gacan ka geysandoonto dhismaha Isbitalka Guud ee Gobalka Mudug.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Hay’adaan laga leeyahay Dalka Qadar ay Balan qaaday dhameestirka dhismaha Ispitalka guud ee Gaobalka Mudug ilaa iyo Hada aan laga heen wax jawaab ah oo ku aadan Balanqaadka dhameestirka Ispitlka Guud ee Gobalka Mudug.

Hoos ka Dhageyso .Codka Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply