Dhagayso:-Siyaasi Cabdisamad Galan oo kahadlay Shirka Nabadeynta ee kasocda…

Gudoomiyihii hore ee gobolka bari haatana ah musharax utaagan xilka Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Galan ayaa waxa uu kahadlay shirka Nabadeynta ee kasocda magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kaasi oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo walaalo ah, isagoona sidoo kale mahadcelin balaaran ujeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo gogosha nabada dhigay.

Dhanka kale waxaa suaal laga weydiiyay shirka nabadeynta ee hada kasocda Qardho waxa uu kaga duwanaankaro shirarkii hore ee lagu nabadeynayay beelahaan.

Ugu danbeyn Cabdisamad Galan ayaa sheegay in Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil uu yahay beeldaaje dhalinyaro ah islamarkaasna aqoonyahan ah uuna waxbadan xaqiijin karo in beshiisa ay nabada qaadato.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply