Deg Deg;Qarax lala eegtay Ciidamo ka tisan Millatariga Soomaaliya.

Radio Galkacyo;-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Millatariga soomaaliya Qarax Miino ah lagula eegtay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Wanlaweyn iyo Degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyey Lix Askai ayaa ku geeryootey qaraxaas waxa uu dhaawac ka soo gaarey Saddex Askari.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay Gaari uu saarnaa Sargaal ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya oo aan magaciisa la sheegin,waxaana la sheegay in Sargaalka iyo saddex kale oo askari uu dhaawac fudud ka soo gaarey qaraxa.

Meelo kala duwan oo ka mid ah Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa maanta Qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tisan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mana jirto cid sheegatay Qaraxyadaas balse Ururka Al-Shabaab ayaa lagu yaqiiney weerarada noocaan oo kale ah.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply