Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo Gacanta ku dhigey Dagaalamayaal Shabaab ah.

Radio Galkacyo;-Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaaliya ayaa Howgalo ay maanta ka fuliyeen Deegaano hoos taga Degmada Diinsoon ee Gobalka Baay waxaya ku beegsadeen Saldhigyo ay halkaas ku leeyihiin Ururka Al-shabaab waxaana dhex maray Dagaalo goos goos ah.

sida uu sheegay Gudoomiyiha Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay waxa Dagaaladaas Al-shabaab looga dilay Saddex Dagaalame oo ka tirsan Kooxdaas waxaana Noolasha lagu qabtey labo dagaalame oo ka tirsan koox Al-shabaab.

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in Khsaare dhaawaca hal askari ah uu ka soo gaarey dagaalkaaas.waxa ayna sheegeen in ay wadayaan howlgalada ay ka bilaabeen Deegaano hoos taga Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply