Author Archives: sayid cali

SAWIRRO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha

Muqdisho, 27ka Ogosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku ...

Read More »

Sawirro:- Madaxweynha Dowladda Puntland oo Ku Booqday Hayga uu Ka Degen Yahay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland. Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda ...

Read More »

Sawirro:- Shir Looga Hadalayo Horumarinta Mahshruuca JPLG Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mr. Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa uu shir guddoomiyey shir looga hadlayo horumarinta mashruuca JPLG mashruucaas oo ah mashruuc lagu horumariyo Degmooyinka Puntland. Shirkan looga hadlayo horumarinta mashruuca JPLG oo ahaa mid wax badan lagu lafa guray ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dowladda ...

Read More »

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Hoggaanka Baarista Danbiyada oo Lagu Sameeyay Dayactir

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan. Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ...

Read More »

Sawirro:- Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay …

Jabuuti, Ogoosto 16, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ...

Read More »

Akhriso:- War-saxaafadeedka Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland .

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah amniga dalka, xeerka guddiga shaqaalaha rayidka, xeerka ganacsiga Puntland, xeerka joojinta gudniinka fircooniga, xeerka biyaha Puntland iyo warbixino kale.  Xaaladda Amniga Dalka: Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in guud ahaan xaalada ...

Read More »

Madaxweyne JFS iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka soojireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo ...

Read More »

Akhriso:- Fahad Yaasiin oo laga qaaday xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan; Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. S/Gaas Daahir ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho, Ogoosto 15, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la ...

Read More »