Deni oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland

Garoowe (Radio Gaalkacyo):- Waxaa soo idlaatay wareegi 3aad ee doorashada Madaxtinimada Dawladda Puntland, waxaana codadki la tiriyay ku guuleystay Siciid Cabdulaahi Deni.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka adkaaday musharaxii ay wareega 3aad isla soo gaareen ee Asad Cismaan, wuxuuna Deni helay 35  halka Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi uu helay 31 cod, waxaana sidaas Madaxweynaha Puntland ku noqday Siciid Cabdulaahi Deni.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply