Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Garoowe (Radio Gaalkacyo) :- Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa loo doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dawladda Puntland kadib doorashadi kusoo gabagabowday daqiiqado kahor hoolka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa doorashada kaga guuleystay Xildhibaan Cabdi jamaal oo ay isla soo gaareen wareeggii u dambeeyay ee doorashada.

43 ayuu helay Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed halka uu Cabdi Jamaal helay 23 cod, sidaasina waa Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ku noqday Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply