Khudbad jeedinta Musharaxiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo bilaabatay

Garowe (Radio Gaalkacyo) :- Goor dhoweyd oo saaka ah waxaa hoolka Baarlamaanka Dawladda Puntland ka bilowday khudbad jeedinta Musharaxiinta u ordeysa kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenadiisa.

Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa gaaraya shan musharax waxaana mid kastaa la siiyay toban daqiiqo oo uu Xildhibaanada ugu sheegayay waxa uu qaban doono haddii la doorto.

Khudbad jeedinta Musharaxiinta marka ay soo dhamaato waxaa toos loo guda geli doonaa doorashada Gudoomiyaha cusub iyo labadiisa Kuxigeen ee uu yeelanayo Baarlamaanka cusub.

Ammaanka goobta ay doorashadub ka dhacayso iyo Guud ahaan kan Caasimadda Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxaana haatan hawshu ay u socota sidii loo qorsheeyey ee ahayd inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply