Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Puntland

Garowe (Radio Gaalkacyo):- Hoolka shirarka Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka socota qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenadiisa.

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa wada qabashada araajida tartamayaasha u sharaxan xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Labadiisa kuxigeen.

Ilo xog ogaal ah oo la shaqeynaya Guddiga ayaa Radio Gaalkacyo u xaqiijiyay in maanta qorshuhu yahay qabashada araajida musharaxiinta u ordeysa xilka Gudoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa, iyadoo maalinta berito ah oo Jimce ahna la is raacin doono hadal jeedinta Musharaxiinta iyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply