Qarax xoogan ayaa lagu soo waramaya inuu goor dhoweyd ka dhacay Magaalada…

Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka qarxay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu ahaa miino la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa uu geystay dhaawacyo dad markaasi ka agdhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga wada maqlay inta badan magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inuu ahaa miino lagu qariyay wado u dhow Saldhiga Booliska Beledweyne.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply