Musharaxiin & Isimo ku shiray Magaala Madaxda Puntland ee Garowe

Garowe (Radio Gaalkacyo):- Inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Puntland qaarkood ayaa saaka ku shiray guriga Islaan Ciise ee magaalada Garowe.

Shirkan u dhaxeeyay Isimada iyo Musharaxiinta ayaa ah mid labada dhinac ay uga hadlayeen xaaladaha taagan gaar ahaan arimaha doorashada iyo sidii looga shaqeyn lahaa qabsoomida doorasho ku dhacda jewi nabadeed oo ka madax banaan faragelin iyo carqalad.

Musharaxiinta iyo Isimada kulankooda ayaa ah mid saxaafaddu dibad joog ka ahayd waxaana la sheegayaa in la isku afgartay arimaha shirka la isku la soo qaaday oo ay ugu weyneyd hirgelinta doorasho ku dhacda hannaan nabadeed isla markaana uu ka muuqdo isku tanaasul.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply