Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay

Garowe (Radio Gaalkacyo):- Saaka waxaa hoolka Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo shalay ay ku dhawaaqeen Guddiga xalinta khilaafaadka.

Xildhibaanada cusub ayaa ka kooban 66 Xildhibaan oo ay mid ka mid ah tahay haween, waxaana intooda badan ay yihiin Xildhibaano cusub.

Dhaarinta Xildhibaanada cusub ayaa saaka kusoo beegmaysa xilli uu xalay la hadlay Warbaahinta mid kamid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda Gobolka Sool kaasi oo sheegay in laga been abuurtay xubnihii uu soo xulay.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply