Baarlamaanka cusub ee Puntland oo doortay Gudoomiye Kumeelgaar ah

Garowe (Radio Gaalkacyo):- Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa doortay Gudoomiye kumeel gaar ah oo sii haga Xildhibaanada tan iyo inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland ee shanta sano soo socota.

Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo horey uga soo tirsanaa Baarlamaankii hore ayay Xildhibaanadu u doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee sii wada shaqada tan iyo inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha Kumeelgaar ka ah ee Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu doortay inuu yahay qofka ugu da’da weyn Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply