DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Cabdi Qeyb-diid oo ka tacsiyeeyay…

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush).

Alle ha h naxariistee Xildhibaan Korneel Ruush waxa uu ka mid ahaa baarlamaankan 10-aad ee hada shaqeeyo gaar ahaan golaha shacabka, waxaa laga soo doortay koofur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa guddiga dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa wadnaha istaagay, waxa uu ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply