xoghayaha joogtada ah ee wasaarada Ganacsiga Soomaaliya oo la magacaabay.

Radio Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Magacaabay Xogahaye Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda  waxa uu u magacaabay mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ka dib markii uu dhintay masuulkii xilkaasi haayay oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Daahiye, isagoona  ku dhintay Qaraxii Soobe 14-kii October.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply