Toogasho ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta dhaqaalaha puntland.

Radio Gaalkacyo:-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga puntland ayaa sheegaya in dabalay hubaysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada madaxtooyada  puntland halka mid kale iyo labo qof oo shacab ahna  ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in falkani  markii uu dhacay  uu booqasho ku joogay madaxweynaha puntland xarunta dawlada hoose Ee Degmada boosaaso.

madaxweynaha puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku suganaa magaalada boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland isagoona kulamo la lahaa maamulka gobolka bari iyo laamaha amaanka ee gobolkaasi.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply