Dawlada soomaaliya oo shaqadii ka joojisay xoghayihii wasaarada batroolka.

Radio Gaalkacyo:-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomalaiya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu Shaqadii uga joojiyey Xoghayaha Joogtada ee Wasiirada.

Xoghayaha oo lagu Magacaabo Jamaal Qaasim Mursal ayaa waxa Shaqa ka joojintiisa lagu sheegay inay ku timid eedeymo dhowr ah oo loo jeediyey.

Wareegatda Wasiirka oo ku taariikheysan 22-ka Bishaan ayaa waxa xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Batroolka lagu eedeeyey ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda,u gudbinta Siraha Wasaaradda dad kale oo aan Wasaaradda ka tirsaneyn iyo Cabasho ka timid qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Hoos ka Akhriso wareegtada.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply