Dhageyso:-Puntland oo ka jawaabtay hadal si khaldan loo fasiratay kaasi oo ka soo yeeray madaxweynaha puntland.

Dhagyeso:-Wasiirka wasarada warfaafinta puntland Cadi Xirsi Cali(Qarjab) oo maanta shirjaraa’id ku qabtay gudaha magaalada garawe ee caasimaha dawlada puntland ayaa ka hadlay hadal maalmahaan laysla dhexmarayey baraha bulshada kaasi oo ku aadana muqaal laga soo jaray madaxweynaha puntland oo khudad ka jeedinayey degmada Badhan ee gobolka sanaag halaasi oo booqasho uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay.

hadalka madaxweynaha puntald ayaa dadka qaarkiis waxay u fasirteen inuu ku af-lagaadeeyey shacabka maamulka koonfur galbeed soomaaliya balse waxa uu ula jeeday madaxweynaha puntland al shabaab oo dagaal kula jira puntland.

wasiirka wasaarada warfaafinta punland ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka hadlayey al shabaab iyo meelaha ay ka yimaadaan basle uusan wax aflagaado ah ugaysanin maamulka koonffurr galbeed.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply