Doorashada Kursi ka mid ah Golaha shacabka oo maanta dhacaysa.

Radio Gaalkacyo:-Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kurisigaas ayaa waxaa Bishii la soo dhaafay iska casilay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud,waxaana Maanta la filayaa inay ku tartamaan Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud taliyihii hore ee NISA iyo musharaxa kale Xiireey Muxudiin Cumar,kuwaas oo labadaba ku sugan Dhuusamareeb.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxa Xukuumadda Galmudug Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply