Dhagayso:-Madaxweyne Gaas shirka Kismaayo waxaa looga hadli doonaa Wanaag Soomaaliyeed

Radiogaalkacyo:- Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo kusugan Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta KMG Maamulka Jubaland ayaa waxa uu ka hadlay muuhimada shirka Wadatashiga ah ay yeelanayaan Madaxda Maamul Gobaleedyada kaas oo maanta ka furmaya Magaalada kismaayo sida Qorshaha uu yahay

.Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaan looga hadli doono arimo masiiri ah oo u gaarka ah Madaxda Maamul gobaleedyada iyo iskaashiga ka dhaxeeya si ay ugu tashadaan arimaha Masiiriga ah ee ka dhaxeeyay Madaxda Mamaulka Gobaleedyada Soomaaliya ,.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay kawada hadli doonaan Madaxda Maamul Gobaleedyada Wanaag soomaaliyeed Dowladnimo Soomaaliyeed iyo Qaranimo Soomaaliyeed waxa uuna raja Wanaagsan ka muuiyay in shirkaan Guul uu ku soo dhamaan doono ,

Hoos ka Dhagayso 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply