Sawirro:- Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Tababar uga furmay Tanzania

Ku dhawaad 20 Sarakaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar la xariira hubinta dukumintiyada iyo habka loo bixiyo tababarada waxaa uu uga furmay Dalka Tanzania.

Tababarkan oo ay bixinayaan khuburo heer caalami ah oo ka socda dalalka Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka IOM ayaa waxaa daahfuray Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Cabdulahi Xaaji Bashiir.

Tababarka oo socon doona muddo 10 cisho ah ayaa saraakiisha qaar loo tababari doono macalinimo si ay aqoonta la soo baray ay uga sii faaideyaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka tirsan.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply