Dhageyso:-Dil ka dhacay degaan hoostaga Degmada Bursaalax .

Radio Gaalkacyo:-Gudoomiyaha degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Maxamed Saleebaan Diiriye oo waraysi siinayey radio gaalkacyo aya ka hadlay nin shacab ah oo lagu dilay degaanka kalabayr oo hoostaga degmada bursaalax ee gobolka mudug kaasi oo dhawaan uu ay ku dagaalmeen labo beelood oo walaalo ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ninkani dilka loogu gaystay baadiyaha degaanka kala bayr isagoona sheegay inuu ahaa nin gadiidlay oo deganaa baadiyaha  degaankaasi.

gudoomiyaha ayaa mar aanu wax ka waydiinayey cida dilkani ka danbaysay ayaa sheegay ina salka ku hayso aanooyin qabiil.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa sheegay in uu degmadaasi ku suganyahay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug isagoona sheegay in ujeedka safarka taliyuhu uu yahay si loo xakameeyo xiisad ka dhalata dilka ninkaasi loo gaystay.

Horay ayaa degaano hoos taga degmada Bursaalax ee gobolka mudug waxa u dagaal ku dhexmaray labo beelood oo waalaalo ah kuwaasi oo wada dega deeganadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka gudoomiyaha.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply