Dhageyso:-Digniin loo diray dadka iska leh Guryaha ku dhow Garoonka kubbada cagta ee Cawaale Gaalkacyo.

Radio Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo cayaaraha gobolka Mudug Maxamed Muuse Salwe oo soo booqday radio gaalkacyo ayaa digniin udiray dhismayaasha dadka shacabka ah ee ku dhaw dhaw garoonka kubadda cawaalae madaama oo u dhawaan bilaabanyo dhismaha garoonka kubada cagta isagoona sheegay in ay cagaf galindoonaan marka uu bilawdo dhisamaha garooku.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay 3maalin ka hor utageen dadka shacabka iyo ganacsatada ku dhaw dhaw darbiyada Garoonka isagoona sheegay inay kala hadleen ka fogaanshaha garoonka ayna soo dhaweeyeen.

Maalmaha fooda nagu soo haya ayaa lagu wadaa inay la dhagax-dhigo garoonka kubadda cagta ee Cawaale waxana dhagax-dhigidoona masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada shaqada,shaqaalaha,Dhalinyarada iyo cayaaraha Dawalada Puntland.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha ayaa ka ugu baaqay bulsho weynta ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ay ka qayb qaataan dhismaha Garoonka kubadda Cagta ee Cawaale.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply