Dhageyso:-Garsoorka gobolka Hiiraan oo sharcidaro ku tilmaamay go’aankii garsoorka Hirshabeelle.

Radio Gaalkacyo:-Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Xasan Cabdulle ayaa ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay Baarlamaanka Hirshabeelle ku kala direen garsoorka maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Hirshabeelle aysan awood u lahayn inay kala diraan Garsoorka islamarkaana uusan sax ahayn go’aankii Baarlamaanka ay qaateen.

Waxa uu tilmaamay in Wasiirka Wasaarada Cadaalada Hirshabeelle uu arrintan ka dambeeyo sida uu sheegayna ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Xubnaha Garsoorka ka shaqeeya iyo Wasiirka Cadaalada.

Hoos ka Dhageyso Codka.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply