Warbixin:- Koobka Aduunka iyo Kulanka Finalka France Vs Croatia

Dalka Russia waxaa mudo bil ah kasocda Koobka Aduunka 2018 kaas oo caawa lasoo gaba gabeyn doono dhamaan xulalkii martida ku ahaa maba taageerayashii daawan jirayna ay macsalameyn doonaan dhulka Russia.

Kulanka Kama dambeysta waxaa caawa isku wajihi doona France Vs Croatia iyagoona wareega Afar dhamaadka kaga soo gudbay Germany iyo England.

Madaxwanaha France Emmanuel Macron ayaa Casuumaad gaar ah u fidiyay labo ka mid ah xulka dalkiisa balse aan ciyaareyn ciyaarta Finalka.

Kabtanka Arsenal Laurent Koscielny iyo laacibkii hore ee West Ham Dimitri Payet ayaa dhaawac ku seegay Koobka adduunka oo lama soo xulan balse nasiib wanaag waxay casuumaad ka heleen Madaxwaynahooda si ay u daawadaan ciyaarta Finalka.

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 06:00 pm ( Saacada Geeska Afrika )

Garsooraha: Néstor Pitana (Argentina)

Garoonka: Luzhniki Stadium

France

– Didier Deschamps lama filayo in uu is bedel ku sameeyo safkiisii afar dhammaadka ku soo reebay Belgium-ka

– Djibril Sidibe wali shaki ayaa ku jira laakin waxaa diyaar ah Benjamin Pavard

– Blaise Matuidi waa diyaar kulanka caawa

– Olivier Giroud marka laga yimaado bandhig xumadiisa, hadana waxaa la filayaa in uu ku soo bilowdo

Croatia

-Croatia waxa ay soo safi doontaa kooxdii ka badisay England

– Mario Mandzukic jug yar ayaa ku soo gaadhay kulankii England laakiin waa taam fiinaalaha

– Ivan Strinic baalka biddix ayuu ku soo bilaaban doonaa

– Sime Vrsaljko waxa uu a soo kabtay dhaawac jilibka ah  isaga oo ku soo bilowday kulankii England

Raadraac

-Croatia bar bar dhac ayey gashay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey

-France 7 ka mida 8dii kulan ee ugu dambeeyey wey badisay

Shaxda labada Xul

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply