Dhageyso:-Maamulka  Soomaliland oo sheegey hawadooda  maaamuleyn Soomaliya

Hargeysa(Radio Galkacyo):-Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada maamulka Somaliland Farxaan Aadan heybe ayaa sheegay in Somaliland marnaba aysan aqbali doonin in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya inta ay Soomaalidu ay dirirsan tahay.

Wasiirka ayaa sheegay hadii ay dhacdo in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya in Somaliland ay ka dagaalami doonto ,islamarkaana qal-qal Amni uu soo gaari doono Geeska.

Farxaan Aadan heybe ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay xiriir la sameeyay Mas’uuliyiinta Hawada u qaabilsan Adduunka , islamarkaana ay u caddeeyeen Somaliland in aysan dhici doonin in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo hawadeeda.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa Sanadadii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in maamulka hawadda Soomaaliya gacanta lasoo galiyo , maadaama Xilligii Bur-burkii ay la wareegeen Hay’ado iyo sidoo kale dowladdaha Dariska ah .

Hoos ka Dhageyso

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply