sawiro :- Togga Dhoosaalli oo geystey waxyeelo nafeed

Xili Roobabkii guga ay ka da,een qaybo kamid ah gobolka Mudug ayaa Biyo Baxdada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Deegaanka Bacaadweyn ayaa maanta waxaa xirmay isku socodka gadiidka Wadda lamiga ah ee dheer taas oo sabab u tahay biyo xoogleh oo gaynaya laamiga dheer ii isku xira Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee Puntland.
Gudoomiyaha deegaanka bacaadweyn ee gobolka Mudug Mudane Fu,aad Yaasin ayaa wuxuu sheegay togan dhoosaali inuu ka biyo keeno Saaxdheer iyo deegaano kale.

Fu,aad Yaasin ayaa sheegay inay Biyahaasi ay gaysteen Khasaare Xoolaad iyo sida oo kale iney qaadeen Gadiid joogay beel aan sidaas uga fogayn togga.

Tagan ayaa bixiyiihiisa uga danbayn geeya Deegaanada loo yaqaan Xiim Cadde iyo Xiim Xoor oo ka tirsan gobolka Mudug.

By fartuun Ahmed

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply