Diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroftku oo ku soo dhacdey Garoonka diyarahada ee Adan cade

Muqdisho  ( Radio Galkacyo)  warka naga soo gaarayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroft oo qaabilsan dhanka la talinta amniga inay ku soo dhacday Garoonka.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa Saraakiil Ajnabi ah oo gaaraya ilaa 5 kuwaas oo ka badbaaday markii ay Diyaarada dhacday islamarkaana aan waxba soogaarin

Sababa ugu weyn Diyaaradaan ee keentay in ay dhacdo ayaa lagu sheegay in dhowr mar ay lugaha u bixi waayeen taas oo keentay in markii ay dhulka u dhawaatay ay dhacdo.

Shirkada Bancroft ayaa ah Shirkadda dhanka ammaanka ka shaqeysa, waxayna leedahay eeyaha dadka baara ee Garoonka Aadan Cadde ka hawlgala.
Markii ay Diyaaradii soo dhacday kadib waxaa dhamaan la hakiyay dhaqdhaqaaqii Garoonka iyadoo la joojiyay Guud ahaan Duulimaadyadii bixi lahaa oo la sheegay in dhowr diyaaradood ay taagnaayeen walow markii dambe dib loo fasaxay.
Maalmo ka hor ayeey aheyd markii ay dagi weyday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline, inkastoo markii dambe ay suuragashay inay degto.

By fartuun Ahmed

 

 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply