Dhageyso : – Degaan hoosta Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo laga soo sheegayo shuban biyood

Galkacyo  ( Radio Galkacyo):- Deegaanka Caano ku dhan oo ka tirsan deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka dilaacay Shuban biyood kaas oo caruurta qaarkood ay dhiig dabada kasii dayeen sida uu uu sheegay Radio Galakacyo Dr:C/kariin Maxamed Bootaan oo ah dhaqtarka la dacaalaya Xaalada Caafimaad ee dadkaasi.

Dr:C/kariin Maxamed Bootaan ayaa sidoo kale wuxuu ii sheegay inay shubanka dheertahay Nafaqo Daro

Hooyo Yurub waxay haysaa 4 Caruur ah saddex kamid ah ay xanuunsanyihiin waxaana xiliga aan lahadlayey ay ku sugnayd isbitalka weyn ee deeganka Bacaadweyn oo daawo uga qaadaysay caruurta xanuunsan waxaana ay ii sheegtay inay caruurta ay ku arkeen qufac shuban iyo qandho.

Hoos Dhageyso

By fartuun Ahmed

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply