Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galaya Caleema saarka Xaaf

Cadaado  ( Radio Gaalkacyo ):-Madaxwaynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa magaaladaasi uga qayb galaya Caleema saarka madaxwaynaha Galmudug waxaana ku weheliya socdaalkan xubno kamid ah baarlamanka dawlada Puntland.

Waa markii ugu horaysay madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas uu ka qayb galo Caleema saarka madaxwaynaha Galmudug.

Madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xiligan kusugan Xarunta Calema Saarka madaxwaynaha ay ka dhacayso.

Magaalada Cadaado ayaa amaankeeda aad loo adkeeyey waxaana sidoo kale kusugan xarunta caleema saarka madaxwaynaha Jubbaland iyo wasiiro ka Tirsan Soomaaliya

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply