Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay Dadkii lagu rasaaseeyay gudaha Caabudwaaq

Caabudwaaq (Radio Gaalkacyo):- Sida aan ku helayno wararka xog ogaalka ah waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashay rasaastii lagu furay dad mucaawino loogu qeybinayay gudaha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay waxay dadka dhintay marayaan illaa iyo lix ruux halka uu dhaawacuna marayo 15 ruux kuwaasi oo waxyeelo ay soo gaartay kadib markii nin hubeysani uu rasaas ku furay dad mucaawino loo qeybinayay.

Mid kamid ah Dadka Deggan Caabudwaaq ayaa xaqiijiyay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah oo raashin loogu qeybinayay mid kamid ah kaamamka magaaladaasi ku yaalla halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dad aan waxba galabsan oo fayl ugu jiray inay helaan mucaawino kasoo gaartay walaalahood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka dadkaasi waxyeelada u geystay uu ahaa dadka deegaanka Caabudwaaq kasoo jeeda isla markaana goobta uu waxyeelada ka geystay ka baxsaday.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply