Wafdiyo ka qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Magaalada Cadaado

Cadaado (Radio Gaalkacyo):- Magaalada Cadaado waxaa kusii qul qulaya wafdiyo ka kala socda Maamul Goboleedyada dalka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo doonaya in ay ka qeybgalaan xaflada Caleemasaarka ee loo sameynayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka mid ah Masuuliyiinta u amba baxaysa magaalada Cadaado si uu uga qaybgalo xaflada Caleema saarka.

Dhanka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka tagaya oo isaguna caleema saarka ka qeybgalaya sida la xaqiijiyay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa.

Magaalada Cadaado oo uu ka dhacayo caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug waxaa lagu soo waramayaa in ammaankeeda aad loo adkeeyay iyadoona lagu wado saacadaha soo socda inay qabsoonto xaflada Caleemasaarka.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply