Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo lagu Waabariistey ayagoo Xiran

Muqdisho ( Radio Galkacyo ) :-Ciidamada dowlada  Soomaliya  gaar ahaan Booliska iyo Nabadsugida ayaaa saaka aroortii  qeybo kamida  Wadooyinka ugu muhiiimsan ku jarey Gawaarida ciiimada, wadooyinkan la xiirey waxaa kamid ah Maka Al-Mukarrama,Wadnaha iyo Jidka 30-ka.

Ujeedka wadooyinkaasi loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre uu dhagax dhigdoono  wadada dheer ee Jidka 30-ka.

Jidkaan  ayaa ku jira wadooyinka wali burbursan , waxaana lagu waddaa in maanta dib u dayactir lagu bilaabo madaama aan   horey looo dhisin jidka 30 ka.

Dadka Shacabka ayaa lugeynaaya Maadaama wadooyinkaasi aan loo ogoleyn in ay maraan Gawaarida dadweynaha.

By Fartuun Ahmed

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply