Raysalwasaaraha Soomaaliya oo dhagaxdhigay Wadada Sodonka ee Muqdisho (SAWIRRO)

Muqdisho (Radio Gaalkacyo):- Raysal wasaaraha Soomaaliya muddane Xassan Cali Khayre ayaa ka qayb galay munaasibad lagu dhagax dhigayey wadda 30 ee magaalada Muqdisho taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kale oo ka tirtsan gobolka Banaadir.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku wehliyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiinj kale.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga ah ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhistaan dhulkooda isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha wadanka.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay masuuliyiinta kale ee degmooyinka gobolka Banaadir inay ku daydaan dadaalka wadooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Ugu danbayn Xassan Cali Khayre ayaa shacabka ugu baaqay inay dhistaan dhulkooda aysana jirin cid u dhisaysay hadii aysan iyagu dhisan sida uu hadalka u dhigay.

Waddan uu raysal wasaaruhu dhagax dhigay ayaa muddo dheer ahayd mid Bur-Bur ka muuqday.

SAWIRRO.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply