Nin hubeysan oo Dad ku toogtay gudaha Degmada Caabudwaaq

Caabudwaaq (Radio Gaalkacyo):- Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay saddex ruux iyadoo dhaawac uu soo gaaray 15 ruux kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dad dhoobnaa goob laga qeybinayay raashin mucaawino ah.

Ninka dableyda ahaa ee dadka rasaasta ku furay ayaa la sheegayaa inuu ahaa qof ka carooday qaabka raashinka loo qeybinayo kadibna uu rasaas ku furay dadkii meesha raashinka lagu bixinayay dhoobnaa.

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen ninkii dadka rasaasta ku furay iyadoona dadkii goobta ku dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay rasaasta ninka dableyda ah uu ku furay dad mucaawino loo qeybinayay halkaasi oo ay ku dhinteen saddexda ruux ayna ku dhaawacmeen 15 ruux oo kale.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply