Sawirro:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo Riday Xukun Dil ah

Boosaaso ( Radio Gaalkacyo ):-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta riday xukun shan dhalinyaro ah kuwaas oo gudaha magaalada Boosaso lagu soo qabtay Qaraxyo iyo Gadiid ay ku diyaarinayeen.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee 5 Gobolka Puntland ayaa sheegay inay ragaan ay maxkamadu ku heshay eedaha loo haystay isla markaana ay ku xukuntay Dil.

Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye Dil Toogasho

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil toogasho

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply