Sawirro:- Madaxwaynaha Galmudug & Wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Cadaado

Cadaado ( Radio Gaalkacyo ):-Madaxwaynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado halkasi oo ay kusoo dhaweeyeen xubno kamid ah Baarlamanka iyo Wasiirada.

Soo dhawayn kadib ayaa madaxwaynaha wuxuu ka hadlay safarkiisii magaalada London iyo shirarkii heer qaran ee uga soo qayb galay iyo sidoo kale shirar kale oo intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu la qaaday madaxda dawlada federalka Soomaaliya kuwaas oo guul kusoo dhamaaday.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay caleema saarkiisa maanta waxaana loo gudibiyey xarunta ay ka dhacayso caleema saarkiisa ee magaalada Cadaado.

Hoos ka daawo Sawiradda.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply