Labo Qof oo xoolo dhaqato ah oo lagu dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Kooxo hubaysan ayaa xalay weeraray qoys reer guuraa ah oo degenaa inta u dhaxaysa deegaanada Jeexdin iyo Godad gaar ahaana deeganka Ceel Waal.

Labo nin oo xoolo dhaqato ah ayaa  waxyeelo kasoo gaartay weerarka kooxahaasi ku qaadeen qoyskaasi waxaana sidoo kale socda dadaalo ay wadaan waxgaradka Galmudug iyo Puntland.

Dhawaan ayaa sidan oo kale kooxo hubaysan ay weerar u qaadeen deegaanka Bali Busle ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug taas oo labo qof kale ay ku dhinteen.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply