Dhagayso:- Maamulka Gobalka Bari iyo Waxgardka oo soo saaray amaro ku wajahn Xoola dhaqata Kunool Degmooyinka Ufayn iyo Iskushuban

Mamaulka Gobalka Bari iyo waxgaradka ayaa waxa ay si wada jir ah uu soo saaray amaro kuwajahan Xoola dhaqatada kunool degaano kamid ah Gobalka Bari

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari iyo xubno kamid ah Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka  ayaa amar ku Bixiyay  in dhulalka  xirmaysan ee ku yalaa   Degmooyinka Ufayn iyo Iskushuban muda dhan  40 Cisho  laga mamnuucay  daaqsinka Xoolaha  maadama ay dawladu amar kasoo saartay.

Maamulka gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa  isku afgartay   xoolihii lagu arko Xirmooyinkaasi  laga mamnuucay daaqsinta in laga qaadidoona  ganaax lacageed

Neefka ariga ah 2 Dollar
Geella 5 Dollar
Lo,da 3 Dollar
Fardaha 3 Dollar
Dameeraha 3 Dollar
Hoos ka Dhagayso

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply